Markii ugu horreysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka gobolka Tigray bishii hore, ayaa waxaa gaaray caasimadda gobolkaasi shinaxddii gargaar ee ugu horeysay ee ka socota hay’ad aan dowli aheyn, iyagoo geeyay agab si weyn loogu baahi qabo sida dawooyinka, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah sheegtay Laanqayrta Cas ee caalamiga ah. Dowladdu waxa ay xaddiday gelitaanka gobolka kadib markii ay ciidamadeeda iyo xoogagga gobolkaasi uu dagaal ka dhex qarxay 4-tii November. Colaadda ka taagan waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen kumanaan qof ayna ku barakaceen ku dhowaad 950,000. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ayaan awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan gobolka, inkastoo dowladdu ay sheegtay in ay u dirtay shixnado isugu jira raashin iyo agabyo kale. Kolonyada gargaarka sidday oo ka koobneyd 7 gaadiidka xamuulka ah ee gaaray magaalada Mekelle ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Laanqeyrta Cas ee Ethiopia, sida ay sheegtay ICRC.

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 390 views

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay xaafado ka mid ah Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo maraayay wadada Cabdi Qaasim.

Qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana la sheegayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogeyn waxyeelada saxda ah ee qaraxaasi uu sababay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan ciidankii saarnaa gaariga inay wax ku noqdeen.

Wadada Cabdi Qaasim ee isku xirta tarabuunka iyo KM4 ayaa waxa ay noqotay waddada ugu halista badan ee Magaalada Muqdisho, maadaama Qaraxyo halkaasi ay ka dhacaan oo wadada lagu aaso.

Like it? Share it!

Leave A Response