Wararkii ugu dambeeyay xaaladda gobolka Tigray iyo gargaar gaaray

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 414 views

Markii ugu horreysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka gobolka Tigray bishii hore, ayaa waxaa gaaray caasimadda gobolkaasi shinaxddii gargaar ee ugu horeysay ee ka socota hay’ad aan dowli aheyn, iyagoo geeyay agab si weyn loogu baahi qabo sida dawooyinka, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah sheegtay Laanqayrta Cas ee caalamiga ah.

Dowladdu waxa ay xaddiday gelitaanka gobolka kadib markii ay ciidamadeeda iyo xoogagga gobolkaasi uu dagaal ka dhex qarxay 4-tii November.

Colaadda ka taagan waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen kumanaan qof ayna ku barakaceen ku dhowaad 950,000.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ayaan awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan gobolka, inkastoo dowladdu ay sheegtay in ay u dirtay shixnado isugu jira raashin iyo agabyo kale.

Kolonyada gargaarka sidday oo ka koobneyd 7 gaadiidka xamuulka ah ee gaaray magaalada Mekelle ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Laanqeyrta Cas ee Ethiopia, sida ay sheegtay ICRC.

Like it? Share it!

Leave A Response