Kulamadii Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 379 views

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Puntland ayaa xaqiijiyay in kulamadii maanta dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Puntland ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

Kulamadaan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha dibada iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Kulamada ayaa fashilmay ka dib markii la isku afgaranwaayay Ajendaha kulanka oo madaxweynaha Puntland uu soo jeediyay in laga wadahadlo qodobadii kasoo baxay heshiiskii maamulada iyo Madaxweyne Farmaajo sababta loo fulin waayay.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka dalbaday Puntland iney soo dhameystirto Gudiga Doorashooyinka Kadibna Dowladu Gogol dhigeyso wada Hadal ah ,Halka Madaxweynaha Puntladn Siciid Cabdulaahi Deni uu ku adkeysanayo in Marka hore Dowladu dhigto gogol.

Rooble ayaa sidoo kale lagu soo  waramaya in uu ka biyo diiday in Ajendaha lagu daro Ciidanka dowladda Soomaaliya ay geystay gobolka Gedo taa badalkeeda uu kala hadli doono maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response