Masar ‘oo ogolaatay’ inay furto Marinka Rafax

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 177 views

Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar.

Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan.

Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo, iyo weliba daadguraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza.

Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan.

Maraykanka ayaa Axaddii u magcaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza.

Like it? Share it!

Leave A Response