Dhageyso:-Masuuliyiin kormeeray Garoonka cusub ee Diyaaradaha Degmada Cadale

by admin | Tuesday, Aug 8, 2023 | 126 views

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray Garoonka cusub ee Diyaaradaha Degmada Cadale oo dhismihiisu uu gabo- gabo marayo.

Booqashadaan loogu kuurgalayay Dhismaha Garoonkaan waxaa ka qeyb ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale, waxaana shirkada gacanta ku haysa dhismaha garoonkaan diyaaradeed ay ka warbixisay marxaladaha uu soo maray iyo xiliga la filayo in lasoo gaba-gabeeyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in garoonkan diyaaradeed uu muhiimad gaar ah uga fadhiyo bulshada ku nool Deegaanadaan isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida si loo gaaro horumar bulsho.

Like it? Share it!

Leave A Response