Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka oo go’aan ka gaaray arrinta Khadiija Aadan{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Aug 8, 2023 | 136 views

Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa war kasoo saaray xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiija Aadan Daahir, kadib fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka China, kaas oo ay ka qayb-gashay Nasra Abuukar oo gashay kaalinta u dambeysa.

Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan IAAF ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay Khadiija Aadan Daahir.

Bogga IAAF oo lagu keydiyo dhamaan magacyada guddoomiyeyaasha dalalka kala duwan ee ku jira xiriirka ayaa waxaa hadda laa saaray magaca Khaddijo, ayada oo lagu beddalay guddoomiye ku xigeenka xirriika, Faarax Cali Macallin, kaas oo xilkan sii heyn doono.

Arrintan ayaa ka dhigan in xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka uu go’aan ka gaaray xilka qaadista guddoomiye Khadiija Aadan oo iyadu horay ugahortimid tallaabada laga qaaday, taas oo ku timid, kadib soo jeedib ka timid wasiirka dhlinyarada iyo ciyaaradaha.

Wasiir Maxamed Barre ayaa warqada uu shaqada uga joojiyay Khadiija Aadan Daahir ku sheegay inuu iyada iyo madaxda kale ee  xiriirkaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaaliyeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiiskaan, isaga oo ku eedeeyey sumcad dil qaran.

Dhankeeda Khadiija Aadan Daahir oo markaas soo jawaabtay ayaa ku dooday in aysan u joojin doonin dhaleecaynta loo soo jeediyay, iyada oo aaminsan in aanay samayn wax qalad ku ah shaqadeeda, balse waxaa hadda soo baxay go’aanka rasmiga ah ee xiriirka IAAF.

Si kastaba, arrintan ayaa daba socota fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo dhawaan ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

Nasra oo metelaysay Soomaaliya ayaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waana sababta bulshada Soomaaliyeed si weyn uga careysiisay.

Like it? Share it!

Leave A Response