Maxaa keenay in Dowladda Somalia ay diido Macaamilkii Gaarka ahaa ee Somaliland & Beesha Caalamka

by admin | Saturday, Jun 23, 2018 | 918 views

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xaiijisay saxnimada tahay warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso maamulka Somaliland, sida lagu socday ilaa sanadkii 2013 ee heshiiska “new deal” kadib.

Warqadda oo ka soo baxday xafiiska wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya, 9-ka bisha June, ayaa lagu sheegay in heshiisku uu muhiim yahay, tan iyo 2013-na la gaaray guulo wax ku ool ah, balse weli ay jiraan tiro caqabado ah oo dowladdu go’aansatay inaan lagu sii socon karin qaabka gaarka ah ee deeqda loo siiyo Somaliland.

Qoraalka xukuumadda Soomaaliya waxaa ku dhex jira saddex arrimood oo keenay inay dowladda Soomaaliya ka hor timaado macaamilkii gaarka ahaa ee Somaliland, kuwaasoo kala ah:

1- Kaalmada oo si is le’eg loo qaybsado

Caqabadaha ayaa la sheegay in ay ku jiraan sidii xukuumadda federaalka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay u wada dhisi lahaayeen qaab lagu wada shaqeeyo oo waxtar leh, una ogolaanaya dawlad goboleedyada inay yeeshaan awood wax soo saar iyo mid ay adeegyo ku fidiyaan, si uu u adkaado iskaashiga kala dhaxeeya dawladda, halkii uu ka wiiqmi lahaa.

“Waxaan rumaysannahay in taageerada dhanka horumarka, ee aan loo eegayn dawlad goboleedkee baa taageero helaya, loo qaybiyo si haboon oo daahfuran, lana xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ay ka faa’iidaan, kaalmadana loo adeegsado horumarin, ee aan arrimo kale loo adeegsan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska wasiirka Soomaaliya.

2- Kala qoqobnaansho dheeraad ah

Sida qoraalka lagu xusay, xukuumadda Federaalka waxay ka walaacsan tahay in hal dawlad goboleed ama gobol oo loo asteeyo macaamil gaar ah ay saamayn aad u daran ku yeelanayso dadaallada dhidibbada loogu aasayo nidaamka federaalka, iyo qaran-dhiska Soomaaliya.

“Dawlad goboleedyada kale ee federaalka waxay si furan u muujiyeen in haddii ay sii socoto la macaamilidda gaarka ah ee Somaliland, in iyaguna ay xiriir noocaas ah ka raadsan doonaan deeq-bixiyeyaasha, taasoo saamayn kala jajabnaan ah ku yeelan karta isku xirka deeqaha Soomaaliya, wiiqina karta jiritaanka federaalka, siina murjin karta isu dheellitir la’aanta dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka.

3- Madax bannaanida dalka

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qoraalka ku sheegtay in ay soo dhoweynayso talooyinka aan “gorgortanka ka galayn madaxbanaanida dalka”, isla marakaana aan “si kas ama kama’ ah u galinayn maqaam faa’iido la’aan ah mid ka mid ah dawlad goboleedyadooda”.

Dowladda Soomaaliya ayaan faahfaahin dheerad ah ka bixin qoraalka kasoo baxay iyo sababaha keenay, inkastoo ay xaqiijisay in qoraalkaasi uu yahay mid sax ah

Like it? Share it!

Leave A Response