Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

by admin | Wednesday, Jun 1, 2022 | 459 views

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soonaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaan kulmin tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-kii Bishii May, waxaana la rumeysan yahay in badi ay ku maqan yihiin dalka dibaddiisa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, sida ka doodista iyo ansixinta Sharciyo qaarkood aan la horgeyn Baarlamaankii 10aad iyo Shaqooyin kale oo aad u adag.

Like it? Share it!

Leave A Response