Dad isku qoys ah oo lagu dilay degaan katirsan Gobolka Jubbada Hoose

by admin | Thursday, Jun 2, 2022 | 430 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay waxaa ay laba qof oo Shacab ahaa ku dileen duleedka Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo dilka kadib Goobta isaga baxsaday.

labada qof ee la dilay oo ahaa dad isku qoys ah ayaa maleeshiyaadka hubeysan ay ugu tageen guryahooda, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku baxay halka uu dilka ka dhacay balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka Shacabka ahaa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degano hoosyimaada degmooyinka Dhoobley Afmadow iyo degaanka Gariley  waxaa kajiray colaad Beeleedyo, waxaana habeen ka hor degaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilay hal qof halka laba kalena loogu dhaawacay.

Maamulka Jubbaland ee ka arrimiya degaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaan weli ka hadlin dilalkaas, iyada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay degaannada Gobolkaas kusoo laab laabteen colaad Beeleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response