laamaha Amniga oo sheegay inay qabteen dad lagu tuhmayo qarixii Sarkaalka lagu dilay

by admin | Thursday, Jun 2, 2022 | 321 views

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Deeyniile gaar ahaan Waaxda kurdamac, halkaas oo shalay uu ka dhacay qarax lagu dilay Sarkaal kamid ahaa Ciidamada Millateriga & ilaaladiisa.

Howlgalka oo ay horkacayeen Saraakiisha Ciidamada Taliska qeybta Galbeed ayaa waxaa saraakiishu ay sheegeen in uu ahaa mid looga hortagayay dadka geysta falalka Amni darro, Kooxaha Burcadda ah, Ciyaal weerada iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano ku sameeyay qaar kamid ah Guryaha kuyaalla Xaafadaha degmada Deeyniile oo ay howlgalka ka sameeyeen, waxaana ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qaraxii shalay ka dhacay agagaarka Aargada degmada Deeyniile iyo waxyaabaha maanka dooriya oo Baco kujiray.

Taliyaha Saldhiga qeybta Galbeed ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Kheyre ayaa sheegay in dadkii lagu tuhmayay qaraxa oo ay qabteen loo gudbiyay Hay’adaha kale ee Amniga, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo lidi ku ah amniga.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka degmada Deeyniile Cabdishakuur Abuukar Macalin oo loo yaqaano Rooble ayaa dhankiisa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo habeenadii la soo dhaafay si joogto ah uga socday Xaafadaha degmada Deeyniile, isla markaana ay sii socon doonaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay Aargada degmada Deeyniile ee la qabtay ay ahaayeen kuwo xogtooda ay heleen inta dhimana ay ku raadjoogaan.

Degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ay ka dhacaan falalka Amni darro, waxaana Maamulka cusub iyo laamaha Amniga degmadaas ay sheegeen inay waxka qaban doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response