Hay’ado sheegay tirada Xoolaha Abaarta ugu geeriyooday dalal ay kujirto Somalia

by admin | Thursday, Jun 2, 2022 | 529 views

Hay’adaha samafalka ayaa ka digaya tirada dadka ay soo foodsaarayso macaluusha ka jirta gobolka Geeska Afrika inay gaarto illaa 20 milyan oo qof, marka la gaaro dhammaadka bisha September ee sannadkan, haddii aan jawaab xooggan laga bixin abaaraha adag.

Digniintan ay soo saareen hay’adaha samafalku ayaa timid, iyada oo markii afaraad oo isxigta ay gobolka ka di’i waayeen roobabkii la filayey.

Gobolka Geeska Afrika waxaa ka jirta abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo ku siman 40 sano, waxayna sababtay inay dhintaan in ka badan 7 milyan oo xoolo ah oo ku kala nool dalalka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Yuusuf Guure oo ka mida bulshada Soomaalida ah ee deggan gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu xaaladda abaareed ee jirta inuu ku waayey 294 neef oo ari ah.

“Weligay maan arag abaar sidan u daba-dheeraata, abaar baabi’isay baadkii ama daaqsintii, oo keentay in xoolihii ay waayaan waxay quutaan” ayuu yiri, isaga oo intaas sii raaciyey “Xaggee baad ka helaysaan lacagta aad ugu iibinayso, waxa ay quutaan [xooluhu] marka aanad wax shaqo ah haynin”.

Shashwat Saraf waa agaasimaha xaaladaha degdegga ah ee hay’adda IRC u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, wuxuu sheegay in bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya inay dareemayaan saamaynta daran ee abaarta, wuxuuna sheegay in malaayiin qof ay geeddi ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen biyo, cunto iyo baad ay xoolahooda siiyaan.

“Waxaan aragnaa in 60% illaa 100% dadka qaarkood ay xoolo beeleen, taasoo ah tiirdhexaadkii bulshada, waxayna waayeen ishii ay kala soo bixi jireen nolol maalmeedkooda”.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee UNOCHA, ayaa sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto macaluul, in ka badan 80,000 oo qofna ay soo food saartay gaajo darani. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in nafaqo-xumada ba’ani ay ku soo badatay saddexdan dal, iyada oo si gaar ah khatar ugu ah nolosha carruurta.

Like it? Share it!

Leave A Response