Maxay ka dhigantahay in madaxda xilal u dhibaan qabaabadooda.

by admin | Monday, Feb 27, 2023 | 243 views

Asbuucyadii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay carruurta madaxweyne Xasan Sheekh oo dawladda aad uga soo dhex muuqday. Gaar ahaan waxaa su’aalo badan iyo dood laga keenay gabar lagu sheegay Jiihaan Xasan Sheekh oo dadka qaarkii ay sheegeen in ay la wareegtay shaqadii wasiirka arrimaha dibadda. Isla waqtigaas waxaa is barbardhig ahaan dadku usoo qaadeen arrin madaxweyne Farmaajo iska diiday. Arrintaas ayaa ahayd in wiil uu dhalay Maxammed Farmaajo, jaamacad soo dhammeeyay waqtigii uu madaxweynaha ahaa. Wakiilka Soomaaliya u jooga xarunta Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Baalle oo saaxiib dhaw ay yihiin Farmaajo ayaa soo jeediyay, sida la sheegay, in wiilka la keeno xarunta Abuukar si uu halkaas ugu shaqo barto ugu danbayna uga shaqeeyo. Soo jeedintaas ayuu iska diiday Farmaajo isaga oo yiri wiilkayga anoo xil hayo xil dawladeed la geyn maayo. Arrintaan ayay dadku qaar aad ugu ammaaneen Farmaajo dhinaca kalana aad ugu dhaliileen Xasan Sheekh. Haddaba su’aashu waxaa ay tahay maxaa ku jaban in qaraabada loo magacabo xilalka dawladda? in Madaxweyne diido inuu xilal u dhiibo qaraabadiisa ma ka dhigaysaa inuu yahay qof daacad ah midkii uu magacaaba se ma dhigaysaa qof musuq iyo eexo ku astaysan

Like it? Share it!

Leave A Response