Faah Faahino ka soo baxaya dagaal Culus oo ka socda duleedka laascaanood

by admin | Tuesday, Feb 28, 2023 | 163 views

Warrarka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal Culus uu ka socdo duleedka Magaalada Laascaanood

Wararka ayaa sheegaya in dagaal uu ka socda meel 60ilaa 7 KM u jirta Magaalada Laascaanood gaar haan Jihada Wadada looga baxo dhinaca Burco, dagaalkaas ayaa la sheegay in la isu adeegsanayay hub culus.

Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa degaanka ayaa isku adeegsanaya Hubka Nuucyadiisa kala duwan waxaana dagaalka la seegay in uu ka dhashay khasaare kala duwan ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah

Dhawaqa Rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood, Waxaana goobjoogayaal ku sugan gudaha magaalada laascaanood ay sheegayaan in Xaafado ku yaala Magaalada gudaheeda ah ay ku soo dhaceen madaafiic .

Dhinaca kale’ qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka degaanka ayaa sheegay in Guulo ay ka gaareen dagaalka maanta ka dhcay duleedka magaalada laascaanood.

Jeneeraal indha yare iyo saraakiil kale oo ka mid ah kuwa degaanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada soomaaliland maxaabiis looga qabtay dagaalka sdidoo kalena Ciidanka SSC ay gacanta ku soo dhigeen gaadiid dagaal iyo hub ay wateen Cidanka Somaliland waasida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Ciidankaa SSC eek u sugan Laascaanood.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Militariga Somaliland ee ay uga hadleen wax ka jira in Gaadiid dagaal iyo ciidan looga qabsaday dagaalkii maanta iyo shalay ka dhacy duleedka Magaalada Laascaanood

Like it? Share it!

Leave A Response