Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

by admin | Tuesday, Feb 28, 2023 | 139 views

Barqanimii maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhallinyaro ah kaas  oo lagu magacaabo Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah darawallada ka xeysa Mooto Bajaajta.

Dilka ayaa ka dhacay Degmada Wadajir Waxda Jaranaal Daa’uud, agagaarka laamiyaraha Zobe, falkaan ka dib ayaa qaar ka mid ah Darawallada Mooto Bajaajta ayaa dibad bax ka dhigay isgoyska KM4, waxaana hakad ku yimid dhammaan isusocodka waddadaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laamaha Amniga ay gacanta ku dhigeyn Askariga dhaawacay Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah darawallada ka xeysa Mooto Bajaaj ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Soomaalyeed, ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, Waxaana Ka socota Baris, waxaa dhawaan la waafajinayaa Maxkamada Awooda u leh si’uu cadaalad u wajaho.” Sida uu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodisho).

Qaar ka mid ah darawallada Mooto Bajaajta oo la hadlay Warbaahinta ayaa Madaxda Dalka ugu sarreysa sida Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ka codsaday in cadaallada la horkeeno askariga dhibka geystay.

Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilka loo geesanay darawallada ka xeysay Mooto Bajaajta, iyada oo fiidnimadii xalay israsaaseyn dhexmartay Ciidanka Dowladda oo ka dhacday Isgoyska Siinaay uu ku geeriyooday Darawal Mooto Bajaaj.

Like it? Share it!

Leave A Response