Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan?

by admin | Sunday, Apr 10, 2022 | 430 views

Afhayeenka Aqalka Hoose Ayaz Sadiq ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ay 174 cod ka heleen 342-da xubin ee golaha, taas oo ka badan codadkii ay doonayeen in ay xilka uga qaadaan Ra’isul Wasaaraha.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah xubnaha isbaheysigiisa ayaa ku eedeeyay Khan inuu ku fashilmay dhaqaalaha sii liicaya ee Pakistan iyo in uu ka dhabeeyn waayay ballan-qaadyadi uu sameeyay intii uu socday ololihii isaga lagu soo doortay.

Imran Khan oo ah 69 jir ayaa xakumayay Pakistan muddo ka badan 3 sano, waxaana lagu wadaa in aarlamaanku nuu Isniinta berrito ah soo doorto ra’isulwasaare cusub.

Pakistan ayaa ah dal ku hubeysan niyukleer, waxana shacabkiisu ay ka koobanyihiin 220 milyan oo ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response