Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Askar weerar geysatay

by admin | Sunday, Sep 13, 2020 | 369 views

Mas’uuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomalaiya oo ku sugan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay Maanta soo geba-gabeeyeen dhageysiga dacwad loo heysto Shan askari oo ka tirsan Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya geysay degmadaas.

Aaskarta oo Shan ah ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Ciidan Boolis ah oo ku sugnaa Bar-koontorool oo ku taalla meel u dhow Saldhigga Booliska Beled-Xaawo 7-dii Bishaan, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shanta askari ayaa lagu kala Magacaabo Cabdi Cumar Cabdi Aabow, Maxamed Xasan Aadan Antonia, Haruun C/Raxmaan Xuseen, Cabduqaadir Minjir Cabdulle iyo ibraahim faarax Maxamuud,waxaana weerarkasi ku geeriyooday Saciid Cali Mursal halka uu ku dhaawacmay Maxamed Cabdi Aadan oo ay ka wada tirsanaayeen Saldhigga Booliska Beled-Xaawo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Cabdullaahi Buule Kameey ayaa goobta maxkamadeynta ka sheegay in loo keenay rasaastii ay dhamaan rideen, isaga oo dalbaday in xukun adag lagu rido askartaan si ay ugu tusaalo qaatan Ciidamada kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Shanta askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maxkamadda ay Go’aan kasoo saari doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response