Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay in Xabsiga dhexe lagu sii hayo Eedeysane u dhashay UK

by admin | Wednesday, Jan 23, 2019 | 853 views

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay maanta in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

Antony Thomas  ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D.

Like it? Share it!

Leave A Response