Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay maalgalin la’aanta ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya

by admin | Sunday, Apr 9, 2023 | 235 views

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxaa soo food saartay cabsi hor leh oo laga qabo in ay dib ugu dhacaan halbeegyada ay beesha caalamku dib u cusboonaysiisay joogitaankooda Soomaaliya.

Todobaadkan, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu kaalin weyn ka qaatay weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana ay jiraan tillaabooyin laga yaabo inay dib uga dhacaan qorshaha  ATMIS.

15-ka xubnood ee AU-da, oo wax ka qabta dhibaatooyinka nabadda iyo amniga ee qaaradda, ayaa sheegay in dhaqaale yari ay u badan tahay in ay cunaan qorshaha Howlgalka ATMIS, oo ah arrin khatar ku ah ciidamada amniga Soomaaliya.

Goluhu “wuxuu muujinayaa welwelka qoto dheer ee ku saabsan maalgelin la’aanta ATMIS, taas oo sii socota,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka shirkii 1143aad ee Addis Ababa.

Guddiga amniga Midowga Afrika waxay sheegeen inay weydiisanayaan mar kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qabto kulan gaar ah oo ku saabsan maalgelinta loogu talagalay ATMIS, kaas oo aan weli la fududayn.

Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tixgaliyaan codsigan sannadkii hore bishii May.

Midowga Yurub oo ah maalgeliyaha muhiimka ah ee howlgalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga baahan tahay beesha caalamka wax badan oo dhanka dhaqaalaha ah, tababaridda ciidamada ammaanka iyo taageerada dib u habeynta awood qeybsiga gudaha, si marxaladda kala guurka ah ay u dhacdo, iyadoo kaliya 20 bilo ka harsan ka hor inta uusan ATMIS dalka ka bixin.

Like it? Share it!

Leave A Response