Cabsi la xiriirta fatahaada Wabiga Shabeelle oo ka taagan Beledweyne

by admin | Sunday, Apr 9, 2023 | 198 views

Qoysaska barakacayaasha ah ee ku  jira Kaamamka ku yaala Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waaxaa la soo darastay  cabsi la xiriirta Fatahaada webiga shabeelle uu ka geysanayo xaafadaha magaaladaas.

Webiga shabeelle ee dhex mara Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo buux dhaafiyay karkaarada waxana uu bilaabay in uu ku fataho qaybo kamid ah xaafadaha degmada Baladweyne.

Magaalo Muxumed Xuseen Magaalo (Tuureey) oo ka mid ah horjoogayaasha Kaamamka Dadka barakacayaasha ah ee ku  yaala Magaalada Baladweyne ayaa ka war bixisay Xaalada ay ku nool yihiin Qoysaska Barakacayaasha ah iyo saameynta  uu ku yeelan karo fatahaada webiga shabeelle uu ka geysanayo Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale’ Magaalo Muxumed Xuseen Magaalo (Tuurey) ayaa ku Eedeysay Hay’adaha Samo falka ee ka hawlgala Magaalada Baladweyne in ay ka gaabiyeen wax u qabashada Qoyasaska barakacayaasha eek u nool Xeryaha ku yaala Magaalada Baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response