Dagaal dhexmaray Ciidamada Itoobiya & Al-Shabaab

by admin | Sunday, Apr 9, 2023 | 116 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa oo muddo saacad ku dhow socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena Ciidamada Itoobiya ay adeegsanayeen madaafiic cul culus oo siweyn looga dareemay degmada Diinsoor iyo degaannada hoostaga.

Weli majirto cid heshay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana Ciidamada Itoobiya dagaalka kadib ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aan la sheegin dad ay kusoo qabteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxana halkaasi gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response