Soomaalida ku nool Canada oo soo dhaweysay qorshaha Dowladda Dalkaas ay ku caawineyso Dadka nolosha ku adkaatay.

by admin | Sunday, Apr 9, 2023 | 183 views

Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku gacan qabaneyso Dadka ay ku adkaatay maareynta nolosha guryahooda kaddib markii sare u kac ku yimid qiimaha lagu kireynayo guryaha iyo xaalado kale oo adag.

Dhibaatooyinka heysta Dadkaan oo dalal kala duwan kasoo jeeda balse heysta sharciga Canada waxa ay kusoo billaabatay kaddib markii uu saameyn taban ku reebay xannuunka Covid-19 oo xayiraad geliyay isu socodka dadka iyo shaqooyinka guud ahaan Caalamka.

Wasiirka Wasiirka Qoyska, Carruurta iyo Horumarinta Bulshada Canada, Karina Gould ayaa sheegtay in Dowladda ay si dhaw uga warqabto qoysaska dhibaateysan sida qorshuhu yahayna ay garab istaageyso.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Canada kana mid ah bulshada caawinaadda ka sugaya Dowladda ayaa sheegay in qiimaha kirada Guryaha ay kordheen sanadihii u dambeeyay iyada shaqo la’aan jirta.

Waxa ay intaas ku dareen in guriga lagu kireyn jiray kahor cudurka dunida aafada ku noqday ee Covid-19 ee Dad badan u sababay in ay shaqo la’aan noqdaan in qiimaha kiradu ahayd $1,000 illaa $1,500 balse hadda ay ugu yar tahay $2,000.

Dad badan oo kunool Canada ayaa awoodi waayay in ay iska bixiyaan kirada guryaha waxaana ay galeen xaalad kale oo adag maadaama markii horayba ay la dhibaateysnaayeen shaqo la’aan iyo dhaqaalaha qoyska oo hoos u dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response