Mooshin cusub oo loo gudbiyay BF + Ujeedka

by admin | Saturday, Aug 12, 2023 | 88 views

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta mooshin cusub geeyay baarlamaanka, kaas oo ku aadan dhibaatada ka taagan Xasbiga Dhexe ee Xamar.

Kulankan oo ahaa kii 16-aad ee kalfdhiga 3-aad ayaa waxaa xaadiray 147 Mudane, waxaana guddoomiyay, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ugu horreyn kulanka ayaa markii uu furmay waxay xildhibaada qaar soo jeediyeen mooshinka, si loogu daro ajendahooda maanta.

Xildhibaan Gobsan Muxamed oo akhrisay mooshinka ayaa sheegtay inuu ku aadan yahay warbixin ay guddiyada garsoorka, xuuuqul insaanka iyo arrimaha bulshada kasoo dhex diyaariyeen Xabsiga Dhexe, si golaha loogu bandhigo dhibaatada ka jirta halkaasi.

“Waxaan guddoomiye si xushmad leh kaaga codsaneynaa inaad ajendaha maanta noogu darto, sidaaad la socoto guddiyada garsoorka, xaquuqul insaanka iyo guddiga arrimaha bulshada waxay waqtiyadii kala duwanaa soo booqdee Xabsiga Dhexe, waxay kasoo diyaariyeen warbixin, kadib markii ay direen xubno isku dhaf ah” ayay tiri xildhibaanaddu.

Sidoo kale waxa ay ka dalbatay xildhibaanada inay ogolaadaan mooshinkooda oo ay sheegtay inay cadaalad ugu raadinayaan dhibanayaasha.

“Sidaas daraadeed waxaan golaha sharafta leh ka codsaneynaa inay ogolaadaan in ajendaha lagu daro warbixintaan, si loogu jeediyo golaha waxaan rajeynayaa ugu dambeyn inaad aqbali doontaan soo jeeditaan oo waafaqsan xeer hoosaadka golaha” ayay raacisay.

Dhankeeda xildhibaan Faa’iso Jayte oo kamid ah xubnaha booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sharraxaad ka bixiysay ujeedka mooshinkooda iyo waxa hadda keenay.

“Ujeedada aan mooshinka ugu soo darnay waxaa waayay waxaan sameynay hadda kahor waxaan booqanay Xabsiga Dhexe waxaan diyaarinay warbixin, taas oo aan rabno inaan la wadaagno baarlamaanka, si loo ogaado caqabadda ka jira xasbiga” ayey tiri Faa’iso Jayte.

Waxay sidoo kale kusii dartay “Ma’aha ujeedka in dhibaato la sameynaayo ee waxaa waayey dadkaas wixii cadaalad u baahan inay helaan”.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday mooshinkan, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka guud ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Ajendaha waa la ogaaday, hal qof oo diiday ayaan u jeeday qof ka aamusay uma jeedo, sidaaas daraadeed ajendaha ayuu ka mid noday” ayuu isna yiri Sheekh Aadan Madoobe’

Like it? Share it!

Leave A Response