Mucaaradka Somaliland oo Maanta banaanbaxyo dhigaya & rabshado…

by admin | Thursday, Aug 11, 2022 | 307 views

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in meelo kamid ah degaannada & degmooyinla Somaliland ay ka dhacaan dibadbaxyo ay dhigayaan Xisbiyada mucaaradka ee UCID & WADANI, kuwaas oo looga soo horjeedo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday qaban qaabada banaanbaxa, iyga oo ku eedeeynayay Madaxweyne Muuse Biixi in uu doonayo muddo kororsi, waxana Xukuumadda Somaliland ay ku dadaaleysay in banaanbaxyada baaqdaan balse ay ku guul dareeysatay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa Xisbiyada mucaaradka u cayintay inay banaanbaxa ku qabsadaan Xarumaha Lixda Gobol ee Somaliland, balse xubno mucaaradka aysan ku qancin hadalkaas, Isla markaana ay qorsheysteen inay meel walba ku qabtaan.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa diyaariyay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Xukuumadda, kuwaas oo ay kamid yihiin ( DOORASHO HAA DIB U DHAC MAYA) iyo erayo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahir Axmed ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in xisbiyada mucaaradka ay banaanbaxa ku qabtaan meelo ka baxsan goobihii loo asteeyay, isaga oo Ciidamada ammaanka faray inay tallaabo ka qaadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaradka ay wadaan khalqal gelin amni, Isla markaana Ciidamo Xamar ka yimid oo xiriir la leh musharraxa Xibsiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro ay Ciidamada Booliska Somaliland gacanta ku dhigeen soona bandhigi doonaan.

Dhinaca kale musharraxa Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro dhankiisa wuxuu ku eedeeyay Madaxweymaha Somaliland uu soo xiray albaabkii doorashada uuna doonayo in uu si awood ah xukunka kusii heysto, taasina aysan u suurto geli doonin

Wuxuu sheegay inay Maanta u diyaarsan yihiin qabashada banaanbaxa, Isla markaana ay uga soo horjeedaan, doorasho diidka, dulmiga & cadaalad diidka, xariga sharci darrada ah iyo caburinta lagu haayo muwaadiniinta Somaliland.

Ugu dambeyn musharraxa xisbiga WADANI wuxuu ugu baaqay Shacabka inay si nabadgelyo ah u banaanbaxaan, isaga oo Saraakiisha & Ciidamada ugu baaqay in aysan qaadan amarada qaldan oo Xukuumadda Somaliland siineyso, Isla markaana ay dhex-dhexaad ka ahaadaan xaaladda taagan.

Si kastaba Shacabka kunool degaannada Somaliland ayaa aad uga walaacsan tallaabada ay qaadi doonto xukuumadda Somaliland oo ku wajahan banaanbaxyada, iyada oo la ogaa in 9-kii Bishii June Ciidamada Somaliland ay rasaaseeyeen Madaxda Xisbiyada mucaaradka iyo Shacab banaanbax dhigayay.

Like it? Share it!

Leave A Response