QM oo shaacisay inay kordheen dadka ka barakacaya Abaarta kajirta Somalia

by admin | Thursday, Aug 11, 2022 | 298 views

Warbixin soo baxday ayaa sheegeysa, in tirada dadka ku barakacay abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya inay haatan kor u dhaafeen illaa hal milyan oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaaraha ka jira Soomaaliya inay haatan isu bedeli doonaan macaluul baahsan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Xafiiska isku-xirka gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo UN OCHA ayaa sheegay in bishii July oo keliya, in illaa 83,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen abaaraha jira dartood, waxaana meelaha ugu daran ku jira gobollada Baay, Banaadir iyo Gedo.

Ishaku Mshelia, oo ah ku xigeenka isuduwaha xaaladaha degdegga ah ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha, ee loo soo gaabiyo FAO ayaa sheegay in dadka ku barakacay abaaruhu ay safar dheer ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cunto, biyo iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin, isagoo sheegay in FAO ay isku dayayso inay caawiso.

FAO xafiiskeeda Soomaaliya ayaa sheegay inay u baahan yihiin illaa $130 milyan oo dollar si ay si buuxda ugu fuliso qorshaheeda ka hortagga macaluusha, kaas oo loogu talo galay inuu caawiyo illaa hal milyan oo qof oo ku nool dhulka baadiyaha ah.

Hay’adda UNICEF ayaa iyaduna sheegtay in illaa 500 oo caruur ahi inay u dhinteen nafaqo-darro ka dhalatay abaaraha daran ee jira.

Abaaraha kajira xilligaan dalka ayaa saameeyay dadka iyo duunyada kunool meelo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana meelaha qaar kajirta macluul keentay in in ka badan 50 carruur ah ay u dhinteen cudurro looga shakisan yahay inay abaaruhu keeneen.

Like it? Share it!

Leave A Response