Muqdisho, Carruur ku geeriyootay Guri qadiimi ah oo ku dumay.

by admin | Saturday, May 6, 2023 | 148 views

Guri kamid ah Guryaha Qadiimiga ah (Mudadda fog dhisan) oo ku yaalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa ku dumay qoys degenaa, inta la xaqiijiyay waxaa dhintay ugu yaraan 3 carruur halka dhaawac uu soo gaaray Dad kale oo aan tiradoodu la shaacin.

Gaadiidka Gurmadka Degdega ah oo goobta gaaray ayaa sameeyay gargaar la siiyay Dadka dhibaatadu qabsatay iyada oo carruurta dhimatay laga soo hoos bixiyay burburka dhismaha dumay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir oo markii uu maqlay dhibkaan oo goobta gaaray ayaa sameeyay dedaal xooggan oo loogu gurmanayo Dadka waxyeellada kasoo gaartay guriga dumay.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa qaarkood ku yaalla Guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, Roobabka xooggan ee da’ay ayaa cabsi ku beeray qoysaska degen dhismahaas oo ka cabsaday in ay ku dumaan.

Ilaa haatan maamulka Gobolka Banaadir, kan Degmada Shangaani & mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka kama soosaarin faah-faahin la xiriirta sida uu u dumay gurigaas, waxa sababay iyo waxa uga qorsheysan dadka degen guryaha cabsida laga muujinayo in ay dumaan.

Like it? Share it!

Leave A Response