Wabiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo magaalada Baledweyne

by admin | Saturday, May 6, 2023 | 196 views

Iyada oo saacadihii la soo dhaafay uu Roobka Guga ka da’ayay deegaano ka tirsan itoobiyaha ayaa waxaa haatan soo baxaya cabsida laga qabo in markale Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyo deegaano ka tirsan Gobolkada hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Wabiyada Shabeelle iyo Web oo ay buux dhaafiyeen roobabka gu’ga ay keeneen fatahaado saameeyey dadkii degganaa aaggaas, isla markaana ay baabi’iyeen dhul beereedyo iyo waliba xoolihii dadku lahaayeen.

dhinaca Waxaa markale isa soo taraya cabsida iyo walwalka laga muujinaayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wabiga todobaadyadii lasoo dhaafay heerka biyaha uu waday ahaaa mid dhex dhexaad ah, kadib markii ay hoos u dhaceen biyo farabadan oo laga cabsi qabay bishii Ramadaan iney ku fatahaan gudaha magaalada Baledweyne.

Waxaa Maanta markale lasoo dhigay baraha bulshada ee Internetka Muqaalo muujinaya xadmiga biyo farabadan oo kasoo qulqulaya dhanka dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan deegaanka loo yaqaano Iimey Galbeed.

Muqaalka ayaa muujinaayay biyo aad u farabadan oo la tilmaamay iney yihiin kuwa ka badan biyiihii bishii Ramadaan laga cabsi qabay iney ku fatahaan gudaha xaafadaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo Alle uu ka samata bixiyay shacabka reer Baledweyne oo iyaga qudhooda sameeyay sanadahii lasoo dhaafay dadaalo biyo xireeno ah oo wax weyn ka taray in biyo looga barakaco Baledweyne.

Biyahaan badan ee uu wado wabiga Shabeelle ayaa imaanaya, xili saacadahii lasoo dhaafay ay ka da’een dhulka buuraleyda dalka Itoobiya roobab xoogan oo ay ka dhasheen biyo badan

Haddaba fatahaadahan ayaa waxay si gaar ah u saameeyeen dadkii degganaa tuulooyinka hoos yimaadda degmada Qallaafe oo ka tirsan gobolka Shabeelle iyo waliba degmada Jarati oo iyaduna ka tirsan gobolka Afdheer, waxaana ku kala fatahay Wabiyada Shabeelle iyo Web oo kamid ah Wabiyada u waawayn ee dhex mara dowlad degaanka Soomaalida.

Qaar kamid ah dadka uu saameeyey daadadkan ka dhashay wabiyada fatahay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wabiyadan soo fatahay ay ka dumiyeen guryihii ay degganaayeen, isla markaana ay qaadeen dhul beereedyo ay imbadan dadkani ku tabcayeen, iyagoo dowladdana ka codsaday inay degdeg ula soo gaarto gargaarka ay u baahan yihiin.

Dhankiisa Ku xigeenka madaxa Xafiiska Khataraha iyo Masiibooyinka ee degaanka Soomaalida Cabdifataax Maxamed oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in fatahaadahan ay saameeyeen 31 degmo oo kamid ah ilaa 8 Gobol, waxa kale oo uu masuulku xusay in Qoysaska ku waxyeeloobay fatahaada Wabiyadan ay gaarayaan 45,416 Qoys, sidoo kale Masuulku waxa uu sheegay in ilaa 25,844 Qoys oo kamid ah dadkaas ay ku barakaceen fatahaadan.

Dhinaca dadka ku geeriyooday fatahaadda Wabiyadan masuulku waxa uu ku sheegay in dad gaaraya 45 ruux ay siyaabo kala duwan ugu geeriyooday fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Web, sidoo kale masuulku waxa uu sheegay in xoolo dhan ilaa 19,686 neef ay iyaguna ku dhinteen fatahaadahan ka dhashay wabiyadan Shabeelle iyo Web.

Isu soo duuboo, dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka curtay roobabkii gu’ga oo si mahiigaan ah uga da’ay meelo badan oo kamid ah degaanka, kaas oo keenay inay wabiyadii degaanka dhex marayay iyo meelihii biyo xireennada ay fatahaado keenaan, taas oo saameysay dadkii ka ag dhawaa goobahaas iyo hantidoodiiba.

Wabiga Shabeelle ee mara Saddexda Gobol ee Shabeelloyinka iyo Hiiraan ayaa fatahaadii ugu weyneyd wuxuu sanadkii tegay ee 2019 ka geystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo fatahaada ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ka barakaceen.
W/D:Bashir Abdulahi Osmaan
Baladweyne.soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response