Muxuu yahay ujeedka Itoobiya Qunsulka cusub ugu soo magacaawday Puntland?

by admin | Sunday, Jan 24, 2021 | 291 views

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa Degnachew Yitbarek u soo u soo magacowday in uu noqdo qunsulkeeda xafiiska ay ku leedahay magaala madaxda dowlad-goboleedla Puntland ee Garowe.

Egnachew Yitbarek ayaa Axada maanta ah wuxuu booqdey madaxtooyada magaaladda Garowe, halkaasoo uu ku qaabilay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Qunsulka cusub oo haysta waaya-aragnimo dhanka diblumaasiyadda iyo xiriirka Soomaalida ah ayaa bedelaya Mabratu Waldo Aragay kaasoo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Puntland ayaa sheegtay in ay Itoobiya iska-kaashada dhanka ammaanka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’addaha dowladda iyo ganacsiga.

Shirkadda Duulimaadyadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa duulimaadyo toos ah waxa ay ku timaadaa degaanadda maamulka Puntland gaar ahaan garoomada degmooyinka Garowe iyo Boosaaso, waana magoolooyinka kaliya ee ay duulimaad ka samayso marka laga soot ago Muqdisho iyo Hargaysa.

Inkastoo Dowladda Faderaalka Itoobiya in xiriir wanaagsan la leedahay dowladda uu hoggaamiye Madaxxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, safiirna u joogo magaalo madaxda wadanka ee Muqdisho, hadana qunsulo ayaa u jooga Hargaysa iyo Garowe.

Like it? Share it!

Leave A Response