Xal laga gaaray khilaaf ka dhaxeeyay Maamulada degaano ka tirsan Gedo{AKHRISO}

by admin | Sunday, Jan 24, 2021 | 298 views

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gedo ayaa waxaa la sheegay in uu xal ka gaaray khilaaf u dhaxeeyay maamulada degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey ee oo hoostaga degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Khilaafka mas’uuliyiintaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa labada degaan, iyada xalinta mas’uuliyiinta ay siwadajir ah uga wada qeyb qaataan Maamulka Gobolka Gedo iyo Odayaasha Dhaqanka.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee dowlada Soomaaliya Axmed Buulle Gareed ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa waxaa lagu shaaciyay Shan qodob oo lagu xaliyay khilafka ka dhex-jiray mas’uuliyiinta labada Maamul, kuwaas oo kala ah.

1: Degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey ay yihiin labada degaan oo hoostaga degmada luuq, isla markaana uusan jirin degaan degaan kale hoostaga, sida ku cad xeerka u yaal degmooyinka dalka.

2: Guddoomiyaha degmada luuq uu mas’uul ka yahay sida ugu fudud ee deeqaha iyo macaawinada au hay’adaha safamalka u garsiin lahaayeen degaanadaas iyo degaannada kale ee Gobolka Gedo.

3: In maamulada degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey la faraayo inay si toos ah ula Shaqeeyaan Guddoomiyaha degmada luuq ee gobolka Gedo.

4: In sidoo kale maamulada degaannada Bohol- Garas iyo Qooneey la faraayo inay laamaha amniga kala Shaqeeyaan wixii quseeya dhanka amniga ee degaanadooda.

5: In khilaaf dambe ee dhexmara labada degaan oo ay dad walaalo ah ku nool yihiin  lagula xisaabtami doono cidda sababta khilafka yeelayo.

Qoraalka kasoo baxay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee dowlada Soomaaliya Axmed Buulle Gareed ayaa waxaa la ogeeysiiyay, Gudoomiyaha Gobolka Gedo, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland e taageersan dowladda, laamaha amniga Gobolka Gedo iyo Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response