Puntland oo Ciidamo farabadan geysay degmo ka tirsan gobolka Sanaag

by admin | Sunday, Jan 24, 2021 | 298 views

Puntland ayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta waxaa ay geysay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland.

Saraakiisha sar sare ee laamaha amniga Puntland ayaa Shaqa joojin waxaa ay ku sameeyeen Ciidamada Booliska ee ka howlgalayay magaalada Badhan, iyaga oo geeyay Ciidamo kale oo ah kuwa daraawiishat puntland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa Ciidamada ku amray iay howlgallo dhanka amniga ka sameeyey gudaha Magaalada Badhan oo malmihii la soo dhaafay laga dareemayay amni darro.

Sidoo kale saraakiisha ayaa lagu amray inay ka hortagaan Soomaaliland oo dooneysa inay galangal siyaasadeed ku yeelato Magaalada, isla markaana ay ka bilaawdo cod-bixinta doorashooyinka Soomaaliland

Ugu dambeyn Ciidamada daraawiishta Puntland ee la geeyay Magalada Bandhan ayaa waxaa la faray inay si adag ula dagaallaman dadka ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga kuwaas oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada .

Magaalada Badhan iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay ku mursanaa Puntland & Soomaaliland, waxaana Puntand ay dooneysaa inay ka hortagto qorsho ay Somaliland ku dooneyso inay uga bilaawdo cod-bixinta doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response