Nicholas Haysom oo bedelaya xoghayaha QM ee Soomaaliya

by admin | Wednesday, Sep 5, 2018 | 1229 views

Waxaa dhammaaday waqtiga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee sanadkii 2016.

Keating oo waqtiga uu ka dhammaaday islamarkaana baneynaya xafiiska ayaa waxaa la sheegay inuu bedeli doono Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Masuulkan cusub ee loo soo magacaabay xafiiska QM ee Soomaaliya oo 66 sano jir ah ayaa ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.

Sarkaalkan cusub oo ah Qareen ayaa ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta, iyada oo la sheegay inuu ku soo fashilmay arrimaha Suudaanta Koofureed oo xilligan colaada iyo xaalado bani’aadanimo ka jiraan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa wuxuu bedelay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.

Like it? Share it!

Leave A Response