Ciidamada Dowladda Oo Xabsiga Dhigay wariye ka howlgalay magaalada muqdisho

by admin | Tuesday, Sep 4, 2018 | 1062 views

Dowladda Sooomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay Wariye Cawil Ciise Indhacade oo katirsan wariyeyaasha idaacada Simba ee Magaaladd Muqdisho .

Wariyaha ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada booliska dagmada warta nabada ee Gobolka Banaadir xilli uu kuguda jiray howlmaalmedkiisa shaqo.

Saacado uu ku xirnaa saldhiga dagmada warta nabada kadib ayaa wariyaha loo gudbiyay xarunta dambi barista ee CID uu haatan ku xiranyahay wariyaha.

Wariye Cawil Indhacadde ayaa xabsiga la dhigay duhurnimadii maanta kadib markii idaacadda usoo tabiyay war la xiriira toogasho kooxo hubeysnaa ay u geysteen labo askari  oo ka tirsan Ciidamadda minishiibiyadda Dowladda Hoose,agagaarka jaamacadda SIMAD.

Idaaacadda simba ayaa kamid ah idaacadaha ka howlgala magaaladda muqdisho,islamarkaana dhexdhaxaad ka ah siyaasadaha isdiidan.

Dhanka kale Maamuka idaacada Simba oo tagay halka wariyaha lagu hayo ayey waxay saraakiisha uu shegen iny baaris kusocoto.

Like it? Share it!

Leave A Response