Al Shabaab oo inka badan 400 weerar geystay lixdii bil ee ugu dambeysay

by admin | Tuesday, Sep 4, 2018 | 884 views

Warbixin lagu daabacay Jaraa’idka ka faalooda arimaha dagaalka ee Long War Journal ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay fuliyeen weeraro badan intii u dhaxeysay Bishii October ee sanadkii 2017 ilaa bishii April ee sanadkan 2018.

Wargeyska ayaa warbixinta ku shaaciyay goobaha muhiimka ah ee ay weerareen Al Shabaab, awooda iyo farsamooyinka ay adeegsadeen garabka Al Qaacida ee Bariga Africa Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa fuliyay weeraro gaaraya 418 weerar oo ay ka geysteen deegaano kala duwan intii lagu gudo jiray lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaaa caawiyay awood yarida weeraro ay fuliyaan ciidamada Xooga dalka iyo kuwa ay isbaheystaan ee AMISOM.

75% weeraradaasi ayaa ka  dhacay Koofurta Soomaaliya, halka 30% ay ka dhaceen meelo ku dhow dhow caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, 4 % weerarada ay sheegteen Al Shabaab waxay ka dhaceen dalka Kenya, taasi oo ka dhigeysa inay kordhiyeen weerarada ay ka geysteen Kenya sanadihii lasoo dhaafay.

40% Weerarada Al Shabaab waxay  u adeegsadeen hubka meletariga, halka 24% ay u adeegsadeen waxyaabaha qarxa ee la farsameeyo, waxaana weeraradooda tooska ah lagu qiyaasay 2%.

Weerarada ugu badan ee Al Shabaab ay geystaan ayaa waxay la eegtaan saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana yar weerarada Al Shabaab la eegtaan fariisimaha ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya mar lala barbar dhigo weerarada ay ka fuliyeen xarumaha ciidamada dowladda.

Weerar la’aanta ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sahla in Al Shabaab ku fakaraan weeraradi  xarumaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Marka la eego warbixinta weerarada Al Shabaab loo geysto iyo kuwa ay fuliyaan waxaa badan kuwa ay ka fuliyeen deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response