Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Nin la dhashay Sufyaan Taakeeye oo la dilay

by admin | Friday, Oct 6, 2023 | 109 views

 Arbacadii wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka yimid shacabka iyo al-Shabaab.

Dagaalka oo dhawr jeer dhexmaray labada dhinac ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in ‘ciidmaadu cagta mariyeen fariismo ay lahaayeen al Shabaab’.

Balse halkaas waxaa ku dhintay tiro ciidamada deegaanka ah, waxaana kamid ahaa nin ay walaalo yihiin Sufyaan Sheekh Axmed oo dhawaan ay gacanta ku dhigtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Waa kuma ninkaan?

Daahir Sheekh Axmed wuxuu sideetameeyadii ku dhashay baadiyaha magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, isaga oo ku soo barbaaray isla baadiyahaas.

Ma uusan helin waxbarasho marka laga yimaado Quraanka oo uu bartay markii uu yaraa, iyo kataabada diiniga ah, gaar fiqhiga oo ka bartamay masaajidda deegaanka Gidheys oo ku yaalla aaggaas.

Ma lahayn wax khibrad dagaal ah, sida ay noo sheegeen qaraabadiisu, sidoo kale dagaallo hore qayb ugama noqon.

Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u wareegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ayaa qabiilada dega gobolka laga aruuriyay tiro ciidamo ah, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah al Shabaab. Daahir wuxuu kamid ahaa ciidamadaas.

Sida uu sheegay walaalkiis, wuxuu aad u necbaa fikirka al Shabaab oo uu arkayay mid qaldan oo ay ku gumaadayaan dadka Shacabka ah.

Markii uu cabaar socday dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeeloow ayaa ciidamadii dad shacabka ah ka yimid u baahdeen gurmad, Daahir iyo koox kale oo ciidamo ah ayaa gurmad ahaan u gaaray furinta, isaga ayaana halkaas ku dhintay.

Daahir wuxuu ahaa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale wuxuu xanaaneynayay hooyadiis oo da’ ah, korna u dhaaftay sagaashan sano.

Dhanka kale walaalkiis Sufyaan ayaa todobaadkaan dawladda Soomaaliya waxay shaacisay inay gacanta ku dhigeen, iyaga oo ku tilmaamey taageere fikradaha xagjirka ah ee al Shabaab.

Sufyaan ayaa sida ay sheegeen sirdoonka Soomaaliya wajihi doona su’aalo waydiin la xiriirta taageerada uu u muujiyay fikradaha al Shabaab.

Waxay u muuqataa inay qaadeen labo waddo oo kala duwan, balse waxaa la is waydiinayaa maxaa sababay in laba walaalo ah ay sidaas u kala duwanaadaan.

Maxay qoyskiisu ka yiraahdeen Sufyaan?

Sida ay BBC u sheegeen qoyska Sufyaan, wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo wax ku bartay gudaha Soomaaliya, firfircoon, kuna fiicnaa kubadda cagta.

“Marka uu kubadda ciyaarayo ayuu dadka garab ku dhufan jiray” ayuu yiri ina adeerkiis oo ka hadlayay sida ay ugu baxday naaneysta Taakeeye.

Kadib ayay sheegeen inuu aaday qurbaha, halkaas oo uu waxbarasho ka galay, jaamacadda heerka koobaad iyo kan labaad uu k aqaatay.

Waxay sheegeen qoysku inuusan waligiis ku biirin kooxaha xagjirka ah, balse uu si kafiirsasho la’aan ah uu u bilaabay taageeridda fikrado xagjir ah.

“Guri uu isagu leeyahay ayuu soo xirtay, wuxuuna yiri ‘Calanka Soomaaliya ayaan badalayaa, anoo shaqsi ah oo kaligey ah ah’ . iyadoo wixii lala yaaban yahay ayaa wuxuu ku xijiyay inuu yiraahdo ‘waxaan badalayaa dastuurka Soomaaliya’, hadana wuxuu ku sii xijiyay inuu dadkii dacniyo oo dawladdii Soomaaliya iyo masuuliyiintii uu qof kasta wax ka sheego”, ayuu yiri Cabdi Xuseyn oo ay walaalo yihiin.

Dawladda Soomaaliya oo shaacisay inay baaritaano ku sameyn doonto Sufyaan, ayaa dhawr maalin ka hor baahisay inay gacanta ku dhigeen.

Sufyaan ayaa dad badan barteen bartamihii sanadkii 2020 kii, xilligaas oo la soo muuqday afar haween ah oo uu sheegay inay xasaskiisa yihiin.

xilligaas kadib ayuu bilaabay inuu wareysiyo siiyo warbaahinta maxalliga ah kuwaas oo uga hadlayo afkaaro siyaasadeed.

mar dambe ayuu sheegay inuu aasaasay xisbi siyaasi ah, kaas oo doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo shareecada Islaamka, sioo kalana doonaya inuu badalo calanka oo uu ku tilmaamay ‘astaan sheydaan’ iyo sidoo kale dastuurka.

Dhawaan ayuu sidoo kale baahiyay muuqaallo uu ku sheegayo dawladda Soomaaliya mid ‘gaalo ah’, dadka taageersanna ay yihiin ‘gaalo’.

Hadalka Sufyaan ayaa ku soo aaday xilli ay socdaan dagaallo ka dhan ah ururka al Shabaab, oo ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Like it? Share it!

Leave A Response