Duqa Muqdisho muxuu ka yiri Daadadka cabsida laga muujinayo & Saameynta ay ku yeelan karaan Barakacayaasha Caasimadda ku sugan?

by admin | Friday, Oct 6, 2023 | 141 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay xaaladda El-Nino ee ‘daadadka laga cabsida qabo in ay ka dhashaan Roobka Dayrta’ ayaa digniin u diray Barakacayaasha caasimadda ku sugan & kuwa duleedka ku nool.

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa Dadkaan ugu baaqay in ay feejignaan sameeyaan si ay uga fogaadaan halista ka dhalan karta Daadadka iyo Roobabka xooggan, Maamullada Degmooyinka ay degen yihiin Dadkaas barakaca ah ayuu faray in ay la socdaan arrintaas.

Shacabka, Culimada & Cid weliba oo gacan ka geysan karto kahortagga iyo ka jawaabista Roobka Dabaysha wata ee sababi kara Daadadka badan ayuu usoo jeediyay in ay doorkooda ka qaataan si loo baajiyo halistaas la saadaalinayo sida uu yiri.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa dhowaan soosaartay digniin xooggan oo la xiriirta Xaaladda El-nino oo ah Roobka Dayrta oo wata Dabayl & Daadad xooggan oo sababi kara dhibaatooyin Maaliyadeed iyo Mid naf.

Waxaa socda kulamo loogu hortagayo halistaas oo waxaa dib u hagaajin lagu wadaa goobaha loogu talagalay in ay maraan biyaha xareedda Roobka si aanay ugu rogmin Xaafadaha qaar ee dhinac maraan biyahaas.

Like it? Share it!

Leave A Response