Kenya oo Safirro u fadhinaya magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa magacawday

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 162 views

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa xalay magacaabay denjirayaal dhowr ah oo wakiillo uga noqon doona dalkiisa qaar kamid ah waddamada caalamka, waxa uuna bedelay denjirayaal horey u magacawday dowladii ka horeesay.

Safiirrada madaxweyne Ruto magacaabay waxaa ku jira safiirka cusub ee u fadhin doona magaalada Muqdisho Kiringo Kubai,safiirkan cusub ayaana ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Kenya oo laga soo doortay  Ismaamulka Meru.

Warqadda magacaabista safiirrada ayaa nambarka 14-aad waxaa ku qoran danjire Kiringo Kubai, halka isla warqadda  nambarka 16-aad kaga jiro Cabdi Wali Maxamed oo isna loo magacaabay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Ruto ma cadeyn in Cabdi Wali Maxamed uu u magacaabay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland uu yahay danjire rasmi ah ama uu yahay qunsur Kenya u fadhin doona magaaladaasi.

Danjiraha cusub ee dowladda Kenya u fadhin doona magaalada Muqdisho Xildhibaan Danjire Kiringo Kubai ayaa badalaya, denjire  Thomas Chepkuto oo madaxweynihii hore ee Kenya horey ugusoo magacaabay Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response