Puntland oo bilaawday diiwaan gellinta Codbixiyeyaasha Golayaasha degaanka

by admin | Sunday, May 16, 2021 | 329 views

Ku simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Mamulkaas Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa Magaallada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ku daah-furaya is diiwaan gellinta Doorashooyinka Golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee xisbiyada badan.

Daah-furka dhacdadan taariikhiga ah ayaa wajiga hore waxaa lagu bilaabi doonaa is diiwaan gellinta saddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl & Ufayn si loogu bahiyo degaannada kale ee Puntland oo ah markii ugu horeeysay ee laga qabto.

War kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaagelinta yeyaasha Golayaasha degaanka ay daahfur u tahay guud ahaan hannaan siyaasadeedka rasmiga ah ee Puntland u guurtay, tasoo shacabka talada lagu cellinayo si aysan masiirkooda aysan cidna marti uga noqon.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalooyinka kale ee Dowlad Goboleedka Puntland inay ka bilaawdaan is diiwaan gellinta Codbixiyeyaasha Golayaasha degaanka, iyada oo amniga degaannada ay howsha ka socoto aad loo adkeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response