Maamulka Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay in Go’doon gashay Magaalada Jowhar

by admin | Sunday, May 16, 2021 | 363 views

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Go’doon galiyey magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Maamulkaas oo ku sugan magaalada Jowhar.

Wasiirka gar gaarka maareeynta iyo masiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Mahad Cabdullaahi Qoorgaab, ayaa sheegay in Magaalada jowhar ay ku sugantahay xaalad adag kadib fatahaada Wabiga oo jaray dhamaan wadooyinkii soo galayey Magaalada.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sidoo kale tilmaamay in in kabada 40kun oo Qoys ay ku barakaceen fatahaada, isla markaana wali dhibaatadu ay tahay mid taagan.

Dhawaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in xaalad dag ay kajirto Magaalada Jowhar, isla markaana loo baahan yahay in si deg deg ah loogu soo gurmado Bulshada ku nool Magaalada.

Inta badan wadooyinka soo gala iy kuwa ka baxa Magaalada Jowhar ayaa waxaa degay Biyo farabadan, waxaana maalmihii la soo dhaafay Magaalada Jowhar aan gelin wax Gaadiid ah kana soo bixin, iyada oo maciishada noocyadeeda kala duwan ay aad u qaaliyoowday.

Like it? Share it!

Leave A Response