“Waa Borobogaando meel kale kasoo maaxatay oo lasoo dhexmarsiiyay Galmudug. Puntland waxay ogtahay in burburka Galmudug uu yahay naafonimada Puntland” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.
Guddoomiye Sanyare wuxuu sheegay inay Puntland ka xun tahay wax ka dhacaya Guriceel, wuxuuna ugu baaqay Galmudug inay xal ka gaaraan colaadda dhexdooda ka jirta, iyadoo aan cid kale fara galin.
Madaxweynaha Galmudug, ayaa labo maalin ka hor sheegay in colaadda Guriceel ay ku lug leeyihiin Soomaali iyo ajaanib, isagoo sheegay inay soo bandhigidoonaan caddeymo rasmi ah.
Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegayay in ciiddanka Galmudug ay qabteen hub laga keenay dhinaca Puntland oo loo siday magaalada Guriceel si loogu taageero Ahlusunna Waljamaaca.