AMISOM oo ka jawaabtay Eedeyntii Ahlusunna ee dagaalkii Guriceel{AKHRISO}

by admin | Thursday, Oct 28, 2021 | 274 views

Kadib markii dhawaan hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca ay ku eedeeyeen Ciidanka AMISOM inay ka qeyb qaateen dagaalkii Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug kula galeen Guriceel ayaa waxaa ka jawaabay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin eedeynta ah in Ciidamadooda ka qeyb qaateen dagaalkii Guriceel ayna taageereen Ciidanka dowladda, isla markaana eedeymahaas ay hihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in khilaaf laga dhex abuuro AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed

” Hawlgallada AMISOM, oo ay ku jiraan hawlgallada milatari iyo taageerada Ciidanka DFS, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgallada iyo Xeerarka Hawlgelinta ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Ujeedka howlgalladooda uu yahay inay hoos u dhigaan awooda AI-Shabaab kana caawiyaan Ciidanka Dowladda dadaalka ay ugu jiraan soo afjarida argagixisada, nabad ku soo dabaalida iyo bixinta taageerada amniga si ay awood ugu yeeshaan
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya howlahooda shaqo oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka iyo ammaanka.

Qoraalka kasoo baxay AMISOM oo aad u dheeraa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in  AMISOM oo fulinaysa waajibaadkii loo igmaday, ay xoojisay ciidamadeeda ku sugan Dhuusamareeb, si ay u sugaan ammaanka doorashada, balse aysan jirin wax taageero ah oo ay siiyeen dowladda Soomaaliya heer qaran iyo mid gobol si ay ula dagaalamaan Ahlusunna Waljamaaca, sidoo kale sinaba uga qayb qaadan iska-hor-imaadyadii hubeysnaa ee dhiigga badan ku daatay ee ku dhexmaray dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca magaalada Guriceel ama meel kale.

” Tan iyo markii uu dagaalku ka dhacay Guriceel, AMISOM, si gooni gooni ah iyo qayb ka ah beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.
ayaa si joogta ah ugu baaqday dhinacyada in ay joojiyaan dagaalka oo ay raadiyaan in khilaafkooda lagu xaliyo wadahadal. AMISOM way
sii waday dadaalka maadaama ay si weyn u aaminsan tahay in dhibaatooyinka haysta daneeyayaasha Soomaaliyeed ee Galmudug ay yihiin kuwo asalkoodu yahau mid siyaasadeed, lagana yaabo, in lagu xalliyo hab wada xaajood ah.
AMISOM, waxay doonaysaa inay si cad u sheegto in ciidamadeedu ay u joogaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan  Al-Shabaab, Isis iyo kuwa raacsan, ma aha in ay qoryahooda u soo jeediyaan daneeyayaasha Soomaalida ee khilaafyada siyaasadeed kala dhexeeya dhinacyada kale ee Soomaalida ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response