Puntland oo Maanta toogasho ku fulineysa Xubno ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Sunday, Jun 27, 2021 | 271 views

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Maxkamadda Ciidamada Puntland ay dil toogasho ku fuliso Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo horay xukun dil ah loogi riday, kuwaas oo ka howlgalayay Magaalada Gaalkacyo.
War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnahaan oo gaaraya 18 rag ah ay ahaayeen kuwo dilal qorsheysan iyo qaraxyo mudo dhowr sano ah ka geysanayay magaalada Gaalkacyo..

“ Gaalkacyo waxyar kadib waxaa ka dhaceysa Toogashada 18 kamid ah Alshabaab,taas oo ah Tiradi ugu badnayd ee Ururka Argagaxisada Alshabaab looga toogto Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka Maxkamadda.
Waa markii ugu horreeysay ee Maamulka Puntland tiro intaasi la eg oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay ku toogtaan gob fagaaro ah, iyada oo weli degaannada Puntland ay ka dhacayaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Like it? Share it!

Leave A Response