Puntland oo ogolaatay wareejinta Maxaabiis u xiran Burcad badeednimo

by admin | Sunday, Apr 4, 2021 | 406 views

Xildhibaano ka tirsan labada  Baarlamaan ee Galmudug iyo Puntland  Wasiirkii hore Dekadda Iyo Kaluumeysiga Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor ayaa kulan Miro dhal ah kula qaatay magaalada Garoowe Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud maxamed.

Kulanka u dhexeeyay Xildhibaanada Labada Dowlad Goboleed iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saaray Wareejinta  Maxaabiista reer Galmudug  ah oo muddo 13 sano ah ku xiran Xabsiyada Puntland.

Qorshaha lagu Wareejinayo Maxaabiista ayaa ah mid in Muddo ah soo socdey, iyada oo  ay Iska kaashadeen Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana maxaabiista loo heystaa fal burcadbadeednimo ah.

Wafdiga Galmudug  oo uu hogaaminayay Gudoomiya Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare  waxaa sidoo kale ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Beeraha ee Baarlamaanka Galmudug , iyaga oo u mahadceliyay Wasiir Xaamud, soo dhawayntii Diiranay ee uu sameeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response