In ka badan 500 oo qof oo ku dhintay Myanmar

by admin | Sunday, Apr 4, 2021 | 329 views

Ugu yaraan 557 qof ayaa lagu dilay ololaha ka dhan ah dibadbaxayaasha dimuqraadiyadda taageersan, tan iyo markii militariga uu la wareegay awooda kowdii bishii Febuary dalka Myanmar, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha.

Warbixinta maalinlaha ah ee kooban ee sabtida, Ururka Caawinta Maxaabiista Siyaasadeed ayaa lagu sheegay in 2,658 qof ay hada ay ku jiraan xabsi, halka ugu yaraan 235 kalena lasiiyay waaran qabasho.

Dibadbaxayaashu waxay buuxiyeen jidadka Myanmar muddo ka badan laba bilood oo ay ka soo horjeedaan afgembiga iyo xarigga Aung San Suu Kyi, la taliyahii ugu horreeyay ee gobolka iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigeeda National League for Democracy, oo guul weyn ka gaaray doorashadii Bishii Nov. 2020.

Jawaabta ay bixiyeen ciidamada amnigu ayaa waxay ahayd mid naxariis daro ah, iyada oo dad rayid ah la toogtay, qaar la garaacay, la xidhay iyo sidoo kale hawlgallo habeenkii ay fuliyaan ciidamada dalka mynamar.

Magaalada ugu weyn ee Yangon Axaddii, koox mudaaharaadayaal ah ayaa abaabulay Dibad Baxyo ka dhan ahaa dowlada, kadib Markii ay buux dhaafiyeen jidadka, waxaana dibadbaxayaashu ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo, halka ay wateen boorar shacuuurtooda ay ku muujinayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response