Puntland: Xal laga gaaray caqabad hortaagneyd dhameystirka doorashadii qof & Cod ee ka dhacday Saddexda degmo

by admin | Wednesday, Mar 23, 2022 | 284 views

Bilihii la soo dhaafay waxaa aqabad xoogan ay ka taagneyd dhameystirka doorashada qof iyo cod  saddex kamid ah degmooyinka degaannada Puntland, hayeeshee Puntland ay sheegtay in xal laga gaaray lana dhameystirayo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlayay Kulan ka dhacay xarunta cilmi-baarista PDRC ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhawaan kulan yeelanayaan Golaha degaanka saddexdii degmo ee doorashada qof iyo cod laga qabtay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xal laga gaaray caqabadihi hareeyay doorasahdaas, hayeeshee doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka dhacday degmooyinka, Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

Wasiir Dhabancad sidoo kale wuxuu sheegay in doorashadii ka dhacday Saddexda degmo ay aheyd mid u dhacday si cadaalad ah kadib markii dowladdu u madax-bannaysay guddiga KMG doorashooyinka Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Golaha degaanka Saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl ay kulamo yeeshaan, isla markaana ay doortaan guddoomiyeyaashii Maamuli lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response