Wararkii ugu dambeeyay qarax lagu dilay Askar Itoobiyaan ah

by admin | Wednesday, Mar 23, 2022 | 360 views

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa gaadii ay wateen Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah AMISOM lagula eegtay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ay ciidamada itoobiya fureen rasaas farabadan balse wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab ah, waxaana qaraxa uu qabsaday mid kamid ah gawaarida Uuraalka loo yaqaano ee ay isticmaalaan ciidamada Itoobiyaanka, gawaaridan waxa ay si gaara ugu adeegsadaan iney ku daabulaan askartooda.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku dileen saddex askari oo Itoobiyaan, halka ay ku dhaawaceen afar kale kuwaas oo la geeyay Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

laamaha Amniga degmada diinsoor ee Gobolka Baay iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin qaarxaas, waxaana kasii horreeyay tiro madaafiic ah oo lagu garaacay Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Like it? Share it!

Leave A Response