Qaar ka mid ah Musharaxiinta kuraastoodu taallo Bosaaso oo walaac muujiyay

by admin | Friday, Feb 18, 2022 | 496 views

Warsaxaafadeed kasoo baxay qaar kamid ah musharrixiinta Golaha Shacabka ee kuraastooda taallo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa walaac ka muujiyay sida loo xulayo Ergada doorashada kuraasta ay doonayaan iyo Amniga Goobta lagu qabanayo doorashadooda.

Warsaxaafadeedka oo ay ogeeysiiyeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal & Heer Puntland iyo Isimada ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay shaacinta 16 kursi ee taalla Boosaaso, waxaayna ku sheegeen qodobada ay ka cabanayaan

1: Goobta loo asteeyey in doorashadu ka dhacdo.
2: soo xulitaanka ergooyinka beelaha
3: Madaxbanaanida ay haystaan beeluhu
Iyo amniga doorashada.

” Kadib markii aan xaqijiney in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee 16 kursi lagu
qabanaayo gudaha garoonka diyaaradaha ee Bosaso oo laba teendho weyn laga dhex dhisey gudaha garoonka diyaaradaha, ayaan aragney in ay tahay mid aan sinaba loo aqbali karin oo baal marsan goobihii horey loogu asteeyey ee Jaamacada Bariga Afrika iyo xarunta Maandeeq.
Garoomada diyaaraduhu waa meel bulshada loogu adeego, xeerarka calamiga ah ee hay’adda
dulimaadka rayidka ah ee ICAO ayaa reebaya in loo adeegsado dano ka baxsan duulimaadyada iyo
kuwo gaar ah oo ka baxsan danaha loogu talo galay ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Qoraalka Musharrixiinta oo aad u dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in Amniga garoonka diyaaradaha ee Bosaso aysan sugin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Puntland laguna wareejiyey ciidanka PMPF oo ah ciidan ay weli gacanta ku hayaan Dowlado shisheeye, kuwaas oo aan meelna ka soo gelin Amniga Doorashada.

Isimada ayaa waxaa ay ugu baaqeen in Isimada fadhigoodu yahay gobolka Bari ay door muhim ah ka qaatan doorashada, maadaama gobolkaani yahay mid xasaasi ah, hubiyaan daahfurnaanta iyo
xornimada doorashada, sidoo kale waxaan ugu baaqeen Ismimada gobolkan in ay ku dhawaaqaan
guddiga soo xulitaanka ergooyinka, si beeluhu isugu diyaariyaan kuraasta ay leeyihiina, sidoo kalena Isimada nabadoonada iyo bulshada rayidku hubiyaan sax ahaanshaha ergooyinka codeynaya

“Guddiga doorashooyinka Puntland, waxaan ugu baaqeynaa in ay dhex-dhexaad u noqdaan musharixiinta beelaha kala duwan, oo ay qabtaan doorasho hufan oo daah-furan!! Saxaafadduna goobjoog ka tahay sida lagu heshiiyey, waxaan uga digeynaa in ay qayb ka noqdaan in lagu takri-falo kuraasta beeluhu iska leeyihiin oo ay wax ka fududeeyaan ama sahlaan in musharax gaar ah loogu shubo.

Ugu dambeyn Musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Boosaaso waxaa ay sheegeen in Gobolka Bari uu yahay mid xasaasi ah oo weli la daalaa dhacaya dhibaatooyinkii ka dhacay dhawaan oo aan si rasmi ah looga heshiin, waxaayna ka dalbadeen guddiga doorashooyinka Puntland in ay doorashada ku soo celiyaan halkii horey loo sheegay ee Jaamacada Bariga Afrika iyo xarunta Maandeeq, ayna amnigeeda sugaan ciidankii lagu heshiyey ee Booliska Soomaaliyeed ee Puntland, dhankoodana ay diyaar u yihiin doorasho u dhacda si wanaagsan, ergooyinka beeluhu sax yihiin oo madax banaan yihiin, isimada iyo Nabadoonadu ay kor-joogto ka yihiin, saxaafaddana u furan

Like it? Share it!

Leave A Response