IMF” Waxaa istaagi doonnaa barnaamijka lagu maalgeliyo mushaaraadka ciidamada haddii doorashada dhaafto May”

by admin | Saturday, Feb 19, 2022 | 316 views

Barnaamij muhiim ah oo ay IMF taageerto oo lagu maalgeliyo mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa dhici doona bisha May ee sanadkaan.

Hay’adda IMF ayaa  sheegtay haddii ay jiraan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada Soomaliya in ay adkaan doonto in la cusboonaysiiyo, islamarkaana Soomaaliya ay wajihi doonto xaalad dhaqaalle xumo oo adag.

“Barnaamijkaan ayaa si toos ah ayuu u dhamaanayaa haddii aysan jirin dowlad cusub oo Soomaaliya ka dhalata ka hor  17ka May” ayuu yiri Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore balse kaliya ay heshay $38 milyan, sababo la xariira dhib u dhacyada doorashooyinka.

IMF ayaa sheegtay in ay hakin doonto  dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta. Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan oo u dhiganta 63% GDP, halka ay ka ahayd $5.2 bilyan ama 89% GDP.

Haddii la dhammeeyo sanadka soo socda, deyntu waa inay hoos ugu dhacdo $557 milyan ama 6% wax soo saarka guud ee gudaha.

Like it? Share it!

Leave A Response