Qalbi dhagax oo Markii ugu horreysay Warbaahinta la hadlay

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 995 views

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay warbaahinta la hadlay , waxaana uu ka hadlay arimo badan.

Qalbi Dhagax kama hadlin sababtii loo xiray waxaa uu u mahadceliyay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed oo sheegay in ay ka qeyb ka qaaten in lasoo daayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu ka shaqeyn doono Midnimadda Soomaaliyeed.

” Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ka midaysan yahay damiirka walaalnimo iyo Soomaalinimo wixii kala qayb-gabinayaa waa cadow soomaaliyeed wixii isku dirayaa waa cadow soomaaliyeed, waa hal dad waa hal diin waa hal dhalasho waa hal ummad, sabab ay ku kala tagi karaana ma jirto waxay ka guulaysan doonaan cid kasta oo cadowgooda ah iyo xaasidkooda, waxay ku guulaysan doonaan Ilaabey magaciisa iyo kartidooda waxay noqon doonaan ummad gaadha aayaheeda iyo qiyamkeeda” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Like it? Share it!

Leave A Response