Madaxweyne Farmaajo” Dadku xor ma’ahan{Akhriso}

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 948 views

Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Shabaab iyo Ururka Isku Magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya,kuwaasoo halis ku ah Madaxbaanidda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Shabaab iyo Daacish ay adeegsadaan qaabiil sidoo kalena ay lacago badan ku bixiyaan in ay helaan xoggo.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha in dadka Soomaaliyeed aysan xor aheyn Maadaama ay jirto Cabsi weyn oo ay ka qabaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay ka shaqeyn doonto sidii dib loogu soo celin lahaa nabaddii iyo horumarkii lagu yaqaanay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta Daacish iyo sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan Soomaaliya,kuwaasoo inta badan weeraro ku qaada ciidamada dowladda iyo Goobaha ay dowladda maamusho

Like it? Share it!

Leave A Response