Qarax Ka dhacay duleedka Kismaayo & khasaaro ka dhashay

by admin | Friday, Aug 13, 2021 | 310 views

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in laba Gaari oo nooca dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Magaalada kismaayo kuna wajahnaa degaanka Beerxaani qaraxa lala beegsaday, hayeeshee mid kamid ah Gaadiidka uu qaraxa qabsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo an wax khasaaro ah geysan, waxaana saraakiil ka tirsan Cidiamada Jubbaland ay sheegeen in ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Magalada Kismaayo iyo degaanka Beerxaani, isla markaana miinooyin ay ku saareen.
Degaannada ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falalk amni darro, waxaana dhawaan ka dhacay weeraro jidgal ah oo lagu qaaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response