Qarax ka dhacay Gudaha xarunta gobolka Banaadir

by admin | Wednesday, Jul 24, 2019 | 623 views

Wararka naga gaaraya Xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay Gudaha xarunta, waxaana warar qaar ay sheegayaan in Qaraxa uu geystay ruux isa soo miidaamiyay.

Xilliga uu dhacayay Qaraxa ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ka socday shir looga hadlaayay Ammaanka Caasimadda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen Qaraxa.

Like it? Share it!

Leave A Response